Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobalka Sh/hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal ka dhan ah ururka  Al-shabaab ka fuliye tuulooyin hoostaga degaanka Janaale ee gobolka Shabellada Hoose, gar ahaan tuulooyinka, tuulooyin Busleey Ugunji.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 7 Xubnoodoo ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka oo saacado badan qaatay hub iyo Saanad ciidan  looga furtay Al-shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalalda laga fuliyay.

Dhinaca kale Ciidanka Kumandooska Xoogga Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay Tuulada Caliyoow Baroow oo hoostagta degmada Walanweyn ee gobolka shabeelaha Hoose, kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Ku simaha Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Dhame Xasan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in howgalkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabi jiray Nuux Dhag, kaasi oo Shabaab  u qaabilsanaa ururinta lacagaha laga qaado dadka Degaankaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay Ciidamada ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose ay sii socon doonan ilaa iyo inta ay degaannadaas ka saarayaan Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu badan ee inta badan ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah & Al-Shabaab.

Idilnews