Khilaafkii Gobalka Gedo oo heshiis laga gaaray (WARBIXIN)

Guddiga dib u heshiisiinta ee loo magacaabay arrinta gobolka Gedo, kadib shirkii golaha wada-tashiga qaran ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen dadaalladii ay ka wadeen degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Guddiga ayaa waxa uu shaaciyey inay guuleysteen dadaalladii ay wadeen ee dib u heshiisinta gobolka Gedo si xal loo gaaro, ka hor doorashada ka dhaceysa gobolkaasi.

Guddoomiyaha guddigan, ahna wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay heleen garab istaag dhab ah, isla-markaana ay ka miro-dhaliyeen dadaalladii dib u heshiista ee degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo inay taageeraan go’aanada kasoo baxaya guddigooda ee lagu wajahayo doorashooyinka.

Dhageyso Warbixin ay ka diyaarisay VOA.

Dhanka kale, Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa soo dhoweeyey dadaallada guddiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lasoo afjaray khilaafkii ka taagnaa degmada Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin doorashada xildhibaanada.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii uu u fuli lahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashooyinka oo ay qeyb ka aheyd arrinta Gedo.

Idilnews