VIDEO: Puntland oo dardar-gelinaysa canshuuraha laga qaado shaqaalaha UN-ka (Sawirro)

Wasiirada wasaaradaha maaliyadda iyo qorshaynta dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay kulan uu soo qaban qaabiyey xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Dawladda Puntland laguna dhiirigelinayey mas’uuliyiin katirsan labada wasaaradood.

Labada wasaaradood ayaa si wadajir ah ugu mashquulsanaa dardar gelinta dakhliga cashuuraha mushaarka shaqaalaha ka hawl gala hay’adaha Qaramada Midoobay ee haysta heshiiska qandaraaska ku meel gaarka ah (Service employment Contract).

Shahaado sharaftaan la gudoonsiiyay ayaa guddigu ku mutaysteen kartitooda, hufnaan iyo waxqabad dhab ah oo ay ka sameeyeen soo xaraynta cashuurtaas oo muddo si dhab ah u soo xaroon.

Maxamed Xareed Faarax, xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee dowladda Puntland ayaa xusay in lasoo maray marxalado kala duwan, maantana la joogo waqtigii la joogtayn lahaa cashuurtaas sida wanagsan u hirgashay.

Dhankiisa, ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay marlaxadaha ay soo martay shaqadaan asagoo u maahd celiyay cid kasta oo kasoo qayb qaadatay joogtaynta iyo xoojinta dakhiga Dawladda.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa uga mahad celiyay guddigii sida hagar la’aanta ahayd uga shaqeeyay soo xaraynta dakhliga mushaarka shaqaalaha ka hawl gala hayadaha caalamiga ah, wuxuu xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudan tahay amaan iyo duco sida ay uga soo baxeen shaqooyinkii loo igmaday.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xusay in guddigii labada wasaaradood ay qabteen shaqooyin wanagsan oo leh natiijo cad

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa ku amaanay guddigii sida wanaagsanayd oo ay hawshaan uga soo baxeen asagoo ku dhiiri galiyay in ay sii laba jibbaraan dardar galinta Dakhliga.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta Dakhliga sida ay uga soo dhalaaleen dardar galinta dakhliga iyo xaqiijinta soo xaynta dakhli la isku hallayn karo, wuxuu ku dhiiri galiyay in ay sii xoojiyaan dakhli uruurinta.