VIDEO: Puntland oo saldhig cusub ka hirgalinaysa galbeedka magaalada Qardho (VIDEO)

Waxaa Galbeedka Magaalada Qardho, laga dhagax-dhigay Saldhig ay yeelan doonto Magaalada Qardho kaas oo dhismihiisa ay iska-kashanayaa dawlada Puntland iyo Hay’adaha deeq bixiyayaaasha ah.

Saldhigaan ayaaa ka qayb-qaadanaya sugida amniga iyo fudaydaynta adeegyada bulshada maadaama saldhiga keli ah ee magaaladaa ku yaal uu noqday mid aan qaadayn eedaysanayaasha lagu soo xiro.

Xildhibaan Raage Saalax oo ka tirsan baarlamaanka dawlada Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga Mohamed Eman Gudoonka Gobolka iyo kan degmada, Taliyaha qaybta Gobolka Kaarkaar iyo Masuuliyiin kale ayaa dhagax-dhiga saldhigaaan cusub ka qayb-gallay.