VIDEO: Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo oo laga dareemayo saxmad (Sawirro)

Warbaahinta Idilnews ayaa Xalay booqday suuqa weystigeed ee magaalada gaalkacyo halkaasi oo ay kula kulmeen kooxo ka mid ah ganacsatada suuqaas, iyagoona faahfaahin ka bixiyay iibka ganacsiga suuqa.
Sidoo ka waxaan wax ka waydiinay mid kamid ah caruurta u soo aaday suuqa in ay ka iibsadaan labiskii ciida carafo, madaama ay inaga xigaan maalmo kooban, wiilkaas yar oo aan la hadalnay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay gadashada dharkii uu ka qayb-qaadan lahaa farxada ciida carafo.

Mid kamid ah Ganacsatada Suuqa galkacyo ayaa tilmaamay in Ciidan ay ka duwan tahay Cidii hore sababo uu ku sheegay Sicir barar baahsan iyo lacagta shilin somaaliga oo aan shaqaynaynin Xiligan.

Intii aan booqanaynay suuqa dharka iyo kabaha westgeyd ee magaalada galkacyo ayaan kula kulanay hawneey ka ganacsata dharka noocyadiisa kala duwan iyadoona Ku dheraatay ka hadalka ka ganacsiga dharka ciida, islamarkaasna rajo ka muujisay Ciidaan.