Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland oo Garoowe ka dhagax dhigay saldhig cusub (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo laga hirgalinayo Kaamka Jilab ee degmadda Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saldhigan oo si casri ah loo dhisayo ayaa loogu adeegi doonaa bulshada degan Kaamka Jilib. Munaasabadda dhagax dhiga saldhigan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal, Duqa degmadda Garoowe, Xoghayaha degmadda Garoowe iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNOPS oo Wasaaradda Amniga ka gacan siinaysa dhismaha saldhigan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in dhismaha saldhigan uu qeyb ka yahay Mashruuca tayeynta Booliska ee ay wado dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii, Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa xusay inay Dowladda Puntland ay ka go’an tahay adkeynta Amniga iyo helista goobo Ciidanku ugu adeegaan Bulshada, sida saldhigyada Booliska.

Idilnews