Baarlamaanka Dowlad deegaanka oo Ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka 2014 T.I (Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta Ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka T.I (Tirsiga Itoobiya).

Kororka miisaaniyaddan ayaa 31% ka badan miisaaniyaddii sannadkii 2013-ka T.I, sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Mubashir Dubbad Raage.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay inay dawladdu si siman (caddaalad ah) oo lagu xisaabtamayo qawaaniin iyo daraasaad sax ah lagu gaadhsiin doono miisaaniyadda goob walba oo Deegaanka ka mid ah.