Booliska Puntland oo diyaariyay qorshe ay ku sugayaan Amniga goobaha Doorashooyinka (VIDEO)

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen, ayaa sheegay in Booliska Puntland ay diyaariyeen qorshe lagu sugayo Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Gole ee BJFS.

S/Guuto Cabdi Yare oo Axadii saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha Garoowe Xilli uu kasoo laabtay Muqdisho, ayaa sheegay in Qorshaha Amni ee ay diyaariyeen ay u gudbiyeen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ka warbixiyay Shir looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo uu uga qeybgalay magaalad Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in Ciidamada Booliska Puntland ay awood u leeyihiin xaqiijinta Amniga goobaha Doorashooyinka, maadama ay horey uga soo shaqeyn jireen.