Midowga Musharixiinta ka digay dib u dhac ku yimaada Jadwalka Doorashada (VIDEO)

Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Midowga musharaxiinta ayaa sheegay in xaalada dalka ay marayso xaalad hubanti la,aan ah.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

https://fb.watch/6QOA8rxG8U/