Suuqa xoolaha degmada Burtinle oo laga dareemaya mashquul badan (VIDEO)

Saxmad aad u sateysa ayaa laga dareemaya Suuqa xoolaha degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal, Xilli dunida muslimiinta si weyn uga socoto u diyaar-garowga Ciidul Carafa.

Boqalaal Neef oo Ari ah oo laga kala keenay in ka badan 40 deegaan iyo miyiga hoostaga degmadda Burtinle ayaa lasoo dhooban Suuqa xoolaha Burtinle, dadka ayaana iibsanaya xoolahan, maadama berri ay tahay maalinka kowaad ee Ciidul Carafa.