TPLF oo dagaal adag la gashay maleeshiyaadka Oromada

Getachew Reda, Afayeenka kooxda TPLF oo la hadlay Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay iney ciidamadoodu ay howlgal gaara ka fuliyeen gudaha Deegaanka Canfarta, howlgalkaas oo ay ku bartilmaameedsadeen Ciidamada Gaarka ah ee Oromada.

Afayeenka TPLF wuxuu sheegay in talabaadaas ay u qaadeen si ciidanka Oromada dib loo riixo looguna celiyo Deegaankoodii, “waana ku guuleysanay inaan taas sameyno” ayuu hadalkiisii sii raaciyay.

“Talaabadeenu waxay ahayd mid aad u kooban oo aan ku kala dirnay Maleeshiyooyinkii beeraleyda ahaa ee ka soo jeeday Oromada” ayuu yidhi.

Maamulka Canfarta ayaa shalay ku eedeeyay in kooxda TPLF ay kasoo talaabeen xuduudka Isla markaana ay wax yeelo ugeysteen xoola dhaqatadooda.

Voss Tv.