Dunida Islaamka oo maanta si weyn looga ciidayo

Waxaa maanta oo talaado ah siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Isniin aheyd dadka Muslimiinta ah badi ay Soomanaayeen Maalinta Sagaalaad ee Bisha Carafo.

Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo deegaanada kale dalka ayaa siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukadeen Salaada Ciida Carafo.

Mas’uuliyiinta sar sare ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo oo Maanta loo dabaal degayo.