Madaafiic lagu weeraray qasriga madaxtooyda Afghanistan

Weerar gantaallo ah ayaa lala beegsaday xarunta madaxtooyada Afghanistan intii lagu guda jiray tukashada salaadda Ciidda, laakiin Madaxweyne Ashraf Ghani iyo dadkii kula tukanayay barxadda Madaxtooyda ayaa si degan u sii watay tukashada, sida ay muujinayeen muuqallo laga baahiyay TV-ga.

Afhayeenka waasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanekzai ayaa xaqiijiyay in saddex gantaal ay ku soo dhaceen bannaanka qasriga madaxtooyda.

Kooxda Taalibaan ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday qasriga aadka loo ilaaliyo, waxaana afhayeenkooda Zabihullah Mujahid uu farriin cod ah ugu sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dagaalyahannadoodu ay ku jiraan “xaalad difaac” inta lagu guda jiro debbaldegyada ciida.

Si ka duwan sanadihii hore, Taaliban si rasmi ah uguma dhawaaqin xabbad joojin Ciida todobaadkan.

Bishii Maarso ee sanadkii hore, afar gantaal ayaa ku dhacay agagaarka dhismaha qasriga intii lagu guda jiray caleema saarka madaxweyne Ghani, waxaana masuuliyadda weerarkaas sheegatay maleeshiyada Taalibaan.

Amni xumada ayaa ku sii kordheysay Afganistan toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo inta badan ay sababtay dagaallada ka socda gobolladeeda, iyada oo ciidamada shisheeye ee uu hoggaaminayo Mareykanka ay dhameystireen ka bixitaankooda, isla markaana Taalibaan ay bilaabeen weerarro waaweyn oo ay ku qaadeen degmooyin iyo xudduudda.

Isniintii, diblomaasiyiinta 15 dal iyo wakiillada NATO ee Kabul ku sugan ayaa ku boorriyay Taaliban inay joojiso weerarrada, saacado yar kaddib markii maleeshiyada Taalibaan iyo dowladda Afghanistan ay ku fashilmeen heshis xabadd joonin ah wadahadalladii ka socday magaalada Doxa ee dalka Qadar.

VOA