Axmed Madoobe oo laga sugayo inuu magacaabo Maamulka Garbahaarey

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa laga sugaya inuu soo magacaabo Maamulka cusub ee degmadda Garbahaarey ee Gobalka Gedo, kaddib soo jeedinta Guddiga Dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee arrimaha Doorashooyinka.

Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gedo ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland xubno ay soo xuleenka Isimada, Waxgaradka iyo Bulshada degmadda Garbahaarey, si labo kamid ah loogu soo magacaabo Maamulka Degmadda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in xubnaha la gudbiyay loo gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland ay qeyb ka yihiin 4 xubnood oo iyaguna ay gudbiyeen IIsimada iyo Masuuliyiinta kasoo jeeda Magaalada Kismaayo, kuwaas oo taageersan Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Idilnews