Baarlamaanka Puntland oo $10,000 ugu deeqay Wadada Garoowe – Godabjiiraan (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa 10,000 oo dollar ugu deeqay Wadada Garoowe iyo Godobjiiraan, kaddib codsi ay u gudbiyeen Baarlamaanka Mudanayaasha laga soo doortay Gobalka Nugaal.

Xildhibaanada ku matala Golaha Wakiillada Gobalka Nugaal ayaa ka codsaday Baarlamaanka in laga qayb-qaato qaaraan uruurinta dhammesytirka waddada u dhaxeysa magaaloyinka Garoowe iyo Godobjiiraan, iyadoona Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray codsigan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil.