VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo uu socdaal ku joogay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Taliyayaasha Ciidanka iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa intaas kaddib loo soo galbiyay Madaxtooyadda Puntland, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Idilnews