Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni oo iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Iyadoona uu kulanka kusoo aaday xilli uu dhowaan soo kala dhexgalay Madaxtooyadda iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland khilaaf ka dhashay Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Baarlamaanka.