Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay Arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ku qabsoomay jawi degan ayaa wada-tashi kaddib lagu go’aamiyay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.