Uhuru Kenyatta “Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah Badeena” (VIDEO)

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.