VIDEO: Puntland oo saldhig cusub ka hirgalinaysa xaafada Israac ee Gaalkacyo (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Abdulahi Abdisalan, ayaa maanta dhagax dhigay Saldhig cusub oo laga dhisidoono Xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Saldhigan ayaa ah mid si casri ah loo dhisidoono ayaa loogu adeegi doonaa Bulshada degan xaafada Israac. Munaasabadda dhagax dhiga saldhigan ayaana waxaa ka qeybgalay Wasiirada Howlaha Guud, Ganacsiga, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Axmed oo ka hadlay Munaasabadda dhagax dhiga ayaa sheegay in saldhigan uu wax badan ka tari doono xoojinta Amniga magaalada Gaalkacyo, loona qabay baahi weyn.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Abdulahi Abdisalan, ayaa sheegay in dhismaha saldhigan uu qeyb ka yahay dadaalada Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ee xoojinta Amniga iyo in la helo goobo Ciidanku ugu adeegaan Bulshada.

Idilnews