Xasan Sheekh “Mas’uuliyadda qabashada doorasho nabdoon, waxay u baahantahay go’aanno adag”

Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, ayaa taageeray go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu xilka uga qaaday Madaxii Shaqaalaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Kulane.

“Mas’uuliyadda qabashada doorasho nabdoon, hab-raaceeda & natiijadeedaba lagu wada qanacsan yahay waxay u baahantahay go’aanno adag, sharciga ku saleysan oo aan soo daahin. Ra’iisul Wasaare Rooble oo mas’uuliyaddaas culus qaaday waa in aan ku taageernaa, kuna garab istaagnaa.”

Idilnews