Guddiga hirgalinta Doorashooyinka ee heer Federaalka oo maanta ku wajahan Kismaayo

Wafti ka socda Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland.

Ujeedada socdaalka Waftiga Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dardargalinta qabsoomidda doorashada Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka sare oo dhawaan la filaayo in ay ka bilaabato Jubbaland.

Xubnaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa ka kooban 3 xubnood, sida baahisay warbaahinta ku hadasha afka Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Idilnews