Ilhaan Cumar oo fariin adag u dirtay Madaxweyne Joe Biden

Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

“Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka.

Idilnews