Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan magaalada London (Ujeedada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ku wajahan magaalada London ee Dalka UK, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shir caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Waxbarashada.

Shirkan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Madax kala duwan oo Afrika ka socda, sida  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London waxaa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda Shirka ka qeybgalaysa Shirka.

Idilnews