Sawirro: Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland.

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa maanta si diirran garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ugu dhaweeyay guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay.

Waftiga FEIT ayaa Kismaayo u yimid arrimo la xiriira dardargalinta qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.

Idilnews