VIDEO: Shirka Wada-tashiga Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Garoowe (Sawirro)

Agaasimaha guud Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane: Axmed Cabdalla Tigaana ayaa daah furay shirka wadatashiga siyaasada qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa looga hadlaaayey sidii dib u habayn loogu samayn lahaa siyaasada dhallinyarada Soomaaliyeed oo hore loogu diyaariyey 2017 Puntland taas oo ay Wasaaradda qayb ka ahayd dejinteeda shirkan ayaa muhiimadiisa tahay in horumarin lagu sameeyo taas oo ay ka shaqaynayaan khubaro aqoon u leh arimaha dhallinyarada iyadoo latashi lala samaynaayo dhallinyarada qaybaheeda kala duwan.

Shirka wada tashiga qaran ee siyaasada Soomaaliyaa ayaa afartii sanaba halmar dib u habayn lagu sameeyaa iyadoo lala tashanaayo dhallinyarada Soomaaliyeed loona sameeyo shir qaran Dowladda Puntland ayaa nasiib u yeelatay inay marti galiso dib u habaynta lagu sameeyey 2017 iyo sanadkan oo ah 2021, shirkan ayaa lagu casumay qaybo kamida Wasaaraddaha Dowladda Puntland.

Shirkan ayaa socon doona Laba maalmood iyadoo lala kulmaayo dhallinyadda, Hayadaha dowladda, kuwa maxaliga iyo cid walba oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh.

Idilnews