XOG: Madaxweyne Deni oo bilaabay la-tashiyo ku aadan soo xulista xubnaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bilaabay kulamo ku aadan soo xulista Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kuwaas oo Puntland matali doona 4 sanno ee soo socota.

Xubnaha oo ah 11 Senator ayaa laga sugayaa Madaxweynaha Puntland inuu ku dhawaaqo 24 saac ee soo socota, maadama ay doorashadoodu bilaabanayso ’25 bishan July’, oo ku beegan maalinimada berrito ah.

Madaxweyne Deni ayaa shalay ilaa xalay kulamo la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, isagoona kala tashanayay sidii la isugu dheeli-tiri lahaa saami qeybsiga beelaha.

Sidoo kale, Siciid Deni oo la rumeysan yahay inuu kamid yahay Musharixiinta doorashada Madaxweynaha DFS ee sanadkan, ayaa la sheegay inuu kala hadlay xubnaha sare ee Dowladda sidii gacan looga siin lahaa Musharaxnimadiisa, iyo inuu soo xulo Xildhibaano daacad u ah, sida ay saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland u sheegeen Idilnews.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo kahor kusoo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kaddib socdaal muddo qaatay oo uu ku tagay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, isagoona taageero u raadinayay hankiisa musharaxnimo.

Idilnews