Dib-u-dhac ku yimid Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare

Dib-u-dhac ayaa ku yimid doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta oo ah 25-July-2021, la filayay inay ka bilaabato Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbland, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa wali soo magacaabin guddiyadii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, inkastoo maamulka Jubbland lafilayo in maanta ay magacowdo.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa  soo gudbin Liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannadooda.

Idilnews