Puntland oo hirgalisay qeybta Qaliinka Isbitaalka Degmada Bandar Bayla (Sawirro)

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo gudanaysa waajibaadka ka saaran gaaritaanka adeegga caafimaadka dhamaan degmooyinka iyo gobolada Puntland gaar ahaan deegaanada fogfog ee laamiga ka baxsan ayaa maanta ka daahfurtay qaybta qaliinka ee Isbitaalka cisbitaalka Degmada Bandar Bayla..

Waxaa ka qaybgalay furitaanka gudoomiye kuxigeenka Gobolka Karkaar, Duqa degmada agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka iyo iskuduwaha caafimaadka gobolka karkaar, madaxa caafimaadka ee hay’adda Save the Children.

Dhamaan masuuliyiinta ayaa ka mahadceliyay in maanta laga daahfuro degmada bandar Bayla.

Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud Xidig oo furitaanka ka hadlaya ayaa yiri:

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ka daahfuro aniga oo wakiil ka ah wasaaradda caafimaadka Isbitaalka degmadda Bandar Bayla qaybta qaliinka hooyooyinka sida caadiga ah udhali waaya. Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda Save the Children oo mashruucaan hirgalisay waxaana rajaynayaa in muhiim uyeelan doono hooyada deegaanka ku nool oo dhibaato badan ka mari jirtay in loo qaado meel kale oo ka fog degmadda.

Ugu danbeyn agaasime Xidig ayaa bulshadda degmadda kula dardaarmay inay ilaashadaan kana faa’iidaystaan mashruucaan ka wasaaradda caafimaad ahaana ay si dhaw ula socon doonaan.