Guddoomiye Sanyare oo ka qeybgalay Shir looga hadlayo Amniga Gobalka Bari (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari.

Shirka ayaa waxa lagu marti qaaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, oo maalmahan Magaalada Bosaaso howla shaqo u joogay waxaana ka soo qeyb galay dhammaan guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari.

Intii uu socday shirku ayaa waxa looga hadlay xoojinta amniga Iyo Xasiloonidda Gobolka iskaashiga labadda Gobol ee Mudug Iyo Bari, la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish.

Idilnews