VIDEO: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 38 xildhibaan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu mudanayaasha ku wargeliyey in uu soo gabagaboobay Ajandihii Kalfadhiga 48-aad marka laga reebo qodobka 5-aad ee ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka Sare Puntland ku metelaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha la wadaagay in maalmaha soo socda la qabanayo doorashadaas, Goluhuna u diyaar garoobo.

Idilnews