Cabdiweli Gaas oo Facebook ka difaacay Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa baraha bulshada ka difaacay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Cabdirisaaq, kaas dhaliilo xooggan oo ay u jeedinayaan Shacabka Puntland kala kulmayay baraha bulshada.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdweli Gaas.

Waxaan baraha bulshada ku arkayey dad badan oo reer Puntland ah oo aflagaadaynaya wasiirka arrimaha dibeda Somalia, Mohamed Abdirisak Mohamud Abubakar, qaarkoodna ay aflagaadaynayaan aabihiis oo 30 sano ka hor dhintay. Marxuum dhintay in la aflagaadeeyo waa wax diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalinimadaba ku xun. Waxaan ku talinayaa in laga ufoodo waxyaabaha noocaas ah.

Mideeda kale Mohamed Abdirisak qof uma shaqeeyo ee qarankiisa buu Wasiir u yahay. Siyaasadiisa iyo tan dowladiisa waa la dhaliili karaa laakiin in shakhsiyadiisa iyo reerkiisa la caayo oo la aflagaadeeyo wax meesha ku jirta maaha. Waxaan ku talinayaa in dadka sharaftooda. Cirdigooda, iyo qoykoodaba la amaan galiyo. Siyaasadda in si hufan la isugu dhaliilo way bannaan tahay laakiin in qadaf qof Soomaaliyeed oo masuul ah lagula kaco waa xaaraan aniga aragtidayda gaaban.