Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo la wareegay deegaano cusub

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayeen  kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen degaanka Bacaadweyne, waxaana ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Shabeelow, Camaara & Magalada Bacaadweyne.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay guulo waaweyn ka gaareen, isla markaana ay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, isla markaana u dhow Magalada Bacaadweyne.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay Ciidamada huwanta ah sii wadaan, isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta degaannada Gobolka Mudug laga saarayo Al-Shabaab.

Abadii bilood ee la soo dhaafay ayaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayeen  kuwa Daraawiishta Galmudug & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay degaano dhowr ah la wareegeen.