Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Faroole oo kulmay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Xafiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee DPL ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare DFS Md.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xoghayaha guud ee Golaha.