Guddoomiyaha Gobalka Mudug “Ganacsadihii Al-Shabaab Lacag siiya hala toogto” (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa u soo jeediyay in Ganacsatada Puntland aysan Al-Shabaab siinin lacago baad ah oo uu sheegay in dadkooda lagu dhibateeynayo.

Guddoomiye Sanyare ayaa xusay in Ganacsatada, iyaga oo doonaya inay naftooda badbaadiyaan ay Al-Shabaab siiyaan lacag, balse dadkoodii lagu dilay ayna kamid yihiin dadka wax dilaayo maadaama ay lacag siiyaan Al-Shabaab, waxana uu ugu baqay inay diidaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab.

“Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaas, waa in Ganacsatada ay si deg deg ah u diidaan lacagtaas oo ay shiraan una midoobaan arrintaas ayuu yiri” Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo jeediyay in ganacsadihii la ogaado in uu Al-Shabaab siiyo lacag uu mudan yahay in bartiisa lagu toogto ama la Maxkamadeeyo.