La-Taliyaha Farmaajo ee Doorashooyinka oo gaaray magaalada Kismaayo

Cabdi Cali Raage oo ka mid ah La Taliyeyaasha Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kaddib markii todobaad ka hor hawada laga celiyay diyaarad uu la socday, xilli uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Tagitaanka Cabdi Cali Raage ee Kismaayo ayaa ka dambeysay markii Ra’iisul Wasaaraha uu amar ku bixiyay in aan safarada laga xayiri karin musharaxiinta, iyadoo wada hadal habeen hore khadka Zoomka ku dhex maray Golaha Wadatashiga Qaran looga hadlay in aan Musharaxiinta safarada laga celin iyo cid kasta oo safreysa.

Cabdi Cali Raage ayaa ka mid ahaa ragga ugu saameynta badnaa Jubbaland intii u dhaxeysay 2012 illaa 2018, xilli waxaa jirtay in wax uusan isaga ogeyn laga sameyn karin Jubbaland, maadaama uu ahaa gacanta midig ee Axmed Madoobe, isla markanaa la xusuusto in doorashadii 2016 kuraasta qaar ee Xildhibaanada u adeegsaday awooddo siyaasadeed.

Sanadki 2018 ayay is khilaafeen isaga iyo Axmed Madoobe, waxaana laga qaaday La Taliyenimadii dhinaca siyaasadda, waxaana uu ka mid noqday La Taliyeyaasha Villa Somalia, isagoo abaanduul ka ahaa qorshihii siyaasadeed ee ka dhanka ahaa Maamulka Axmed Madoobe.