Puntland iyo Hay’adda UNEP oo ka wada-hadlay xaalufinta dhirta (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Sharmaake xasan cali ayaa saaka kulan la qaatay mr. Chris oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan hay’adda UNEP xaga degaanka.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey caqabadaha sii kordhaya ee deegaanka sida xaalufinta dhirta, is badalka cimilada, sameynta marin biyoodka iyo dhireynta badda.

Sidoo kale, Agaasimaha iyo Masuuliyiinta UNEP ayaa waxa ay isla soo qaadeen ka faa’ideysiga biyaha oo la dhiso biyo qabatino si ay uga qeyb qataan u adkeysiga abaaraha soo noq noqda. Agaasimaha ayaa uga mahad celiyey hay’adda caalamiga ah ee UNEP hawlaha ay ka wado Puntland.