Ramla Ali oo looga adkaaday cayaartii feerka Olombikada

Magaalada Tokyo ee dalka Japan waxaa ka dhacday Ciyaarta tartanka feerka, taas oo u dhaxeesay Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka iyo Maria Claudia oo ka socotay iyadana dalka Romania.

Ramlo cali ayaa loogu adkaaday tartanka ciyaaraha feerka, kaas oo ka socday dalka Jaban, iyadoo ay ay ku guuleesatay gabadhii la tartameesay ee dalka Romania Maria Claudia.

Markale ayee Ramla Cali rajo ka qabtay iney taariikh u sameyso dalkeeda soomaaliya, maadama ay hore u noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Sidookale Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah eek u guuleystay feer dalka Britain.

Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.