Shirweynaha Haweenka u qariimida Haweenka oo Garoowe lagu soo gaba-gabeeyay (Sawirro)

Shirweynaha u qareemida haweenka Puntland ee u sharaxan Baarlamaanka labada aqal DFS oo Garowe ku soo xirmay ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin; In haweenku Musharaxiinta ku laabtaan deegaaan doorashadoodii islamarkaana odayaasha dhaqanka ku qanciyaan barnaamijka iyo qorshahooda sidoo kalena dardar dheeri ah galiyaan muujinta ka gonaanshahooda musharaxnimo.

Wasiir Aamina Cismaan xaaji oo shirka soo xirtay ayaa gabdhaha musharaxiinta ee labada aqal ee baarlamaanka u sheegtay in la joogii waqtigii gabdhuhu matalaadoodo ay dhacsan la haayeen. Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanahay in gabdhuhu dedaal badan wadaan, loona baahannahay in qorshayaal samaysanno oo isbeddel la nimaadno.

Gunaanadkii, Wasiirka oo la dardaarmaysa gabdhaha ayaa tiri “Gabdhow Naftayda iyo naftiinna waxaan farayaa in innaga oo xishoonayna oo xijaaban aan siyaasadda iyo miiska dalka looga arrimiyoba aan dhinaceenna ka fadhiisanno”