Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay Amniga doorashooyinka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareeykanka ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada, Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinkale oo katirsan Safaaradda ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka  iyo mashaariicda ay islawadaan Safaaradda Mareeykanka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada, Safaaradda Mareeykanka ee Soomaaliya Wendy Stancer ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dardar gelinta howlaha doorashooyinka oo uu amniga ugu weyn yahay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dhankiisa dowladda Mareykanka uga mahad celiyay taageerada ay had iyo jeer siiyaan dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay muhiim tahay inay laba jibaaraan taageeradaas.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in dalka Soomaliya ay ka bilaawdaan doorashooyinka Aqalka sare, waxaana Goobaha lagu qabanayo doorashada amnigeeda sugaya Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Booliska AMISOM.