Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in la dadajiyo Doorashada Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in doorashada bilabatay, isla markaana dowlad Goboleedyada kale looga baahan yahay in ay dedejiyaan qabashada doorashada.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara.

Idilnews