VIDEO: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ? (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 41 Xildhibaan, Furitaanka ka dib Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in wakhtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cisho ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.