Akhriso: Hanti-dhowraha qaranka oo soo saaray go’aamo cusub

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Faderaalka ah in la hakiyo lacag la siin jirey Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhowraha Guud ayaa lagu sheegay in tallaabadaan uu Xafiiska Hantidhawrku qaaday ay tahay mid lagu beekhaaminayo hantida dowladda iyo in la hubiyo in qarashka haatan ku jira gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhimka u ah muwaadiniinta iyo kobcinta awoodda dowladda.