Britain iyo Kenya oo ku heshiiyay la dagaalanka Al Shabaab

Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo weerarada  Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Kadib kulan ay magaalada London wasiirada gaashaandhigga ee labada dal, Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga.

Waxaana heshiiska kamid ah sidii la isaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaas oo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya.

Kumanaan ciidamo Britain ah ayaa sanad kasta waxay tababar siiyaan ciidamada Kenya, kuwaas oo qaarkood dagaal kula jira Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM, waxana ay saldhigyo ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.