Fahad Yaasiin oo magacaabay bedelka Kulane Jiis

Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa u magacaabay Cabaas Yacquub Madaxa Shaqaalaha NISA, kaasoo ahaa xilkii todobaadkii hore laga qaaday C/llaahi Kulane.

Cabaas Yacquub ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan, si uu Xasaanad ugu helo.