Haweenka ku jira Ururada siyaasadda Puntland oo sameystay Madal isku xirta (VIDEO)

Madasha Isku xirka Haweenka katirsan xisbiyada Siyaasadda Puntland oo muddo labo maalmood ah ka soconaysay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay.

Madashan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland ayaa lagu gorfeynayay sidii ay u xoojin lahaayeen Isku xirnaanta Haweenka kamid ah Xisbiyadda Siyaasadda.