VIDEO: Shirweynaha Hormarinta Waxbarashada Puntland oo galay maalintii labaad (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalintii labaad ka qeybgalay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland.

Shirweynaha oo lasoo gaba-gabeynayo berri ayaa diirada lagu saaraya inta uu socdo Hormarinta Waxbarashada Puntland iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.