Dowlad Deegaanka Soomaalida oo eedeeyn kulul u jeediyay Maamulka Canfarta

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida oo uu wehlinayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa iyo Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ayaa kulan warbixin iyo wadatashi ahaa la qaatay Golaha Nabada iyo Midnimada ee Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay Xaalada dalka iyo tan deegaanka isagoo ku booriyay Golaha in uu qaato kaalinta ka hortaga iyo xallinta iskudhacyada qabaailka iyo middeeynta shacabka.

Madaxweynaha iyo Madaxdii kale ee la socotay ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda Galbeedka Sitii siiyay Golaha iyagoo sheegay in dareenka isu danqashada ee shacabka Soomaaliyeed muujiyeen uu yahay mid ididiilo ku abuuraya hanaqaadka waddaniyad Soomaaliyeed oo tabihii qaybi oo xukunta ee soo jireenka aheyd ay wiiqeen.

Xubnaha Golaha Nabada iyo Midnimada ayaa cambaareeyay xasuuqii Garbaciise uguna baaqay dhamaan odayaasha iyo madax-dhaqameedka 10ka gobol ee Deegaanka ee ka baxsan Gobolka Sitii inay gurmad iyo yabooh degdeg ah sameeyaan.

Golaha ayaa ugu baaqay ururada mucaaradka Deegaanka inay caddeeyaan mawqifkooda marka dhacdooyin siyaasadeed oo go’aan qaadasho u baahan ay la soo darsan shacabka iyo xukuumadda deegaanka.

Idilnews