Qalab loogu deeqay kooxaha kubadda cagta ee Gobalada Puntland (VIDEO)

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland mudane Jaamac Faarax Muuse aya qalabka ciyaaraha oo dhamays tiran ka gudoomay Ganacsade Cabdilaahi Shiikh qalabkan oo uu ugu tala galay xulalka Sagaalka gobol ee ka qayb gelaaya Tartanka 8aad ee Ciyaaraha Dowladda Puntland oo Garowe ka furmaya 1.Ogosto.2021.

Ganacsade Cabdilaahi Shiikh ahna gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa ayaa sheegay markuu arkay culayska saaran Xulalka gobolada iyo baahida ay u qabaan in laga caawiyo ayaa si shakhsi ah ugu deeqay qalabkan dhamayska tiran xulalka Gobolada Puntland, sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka uu ku raacay gudoomiyaha xiriirka kuubada cagta Soomaaliyaa Cabdiqani Carab.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada, Lataliyaha Madaxwaynaha arimaha Ciyaaraha, Gudoomiyaha xiriirka kuubada Cagta Puntland iyo Madax kale oo ka tirsan xiriirka iyo Wasaaradda.