Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka UK (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, Amniga, gargaarka, arrimaha gobolka iyo iskaashiga

Shirkan ayaa ka mid ahaa shir doceedyada Ra’iisul Wasaaraha Britain la yeelanayay Madaxda ka qeyb galeysa shirka caalamiga ee waxbarashada ee ka furmay London.